Home Wararka Maanta R.W kuxigeenka oo Jordan uga qeyb galay shir looga hadlay isbedelka cimilada...

R.W kuxigeenka oo Jordan uga qeyb galay shir looga hadlay isbedelka cimilada (SAWIRRO)

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta dalka Jordan uga qayb galay shir madaxeedka wadamada Carabta oo looga hadlay is-bedelka cimillada adduunka iyo deegaanka.

Shirkan oo looga dooday hanaanka wadamada Carabtu isaga iskaashanayaan hagaajinta deegaanka iyo arrimaha la xariira is-bedelka cimilada aduunyada ayaa waxaa ka soo qayb gelay hey’adaha caalamka ee ku shaqada leh deegaanka iyo is-bedelka cimilada aduunyada.

Dawladda Soomaaliya oo ka mid ah dalalka dhibaatada badan ku qaba xaalufinta iyo jaridda dhirta iyo waxyaabaha kale ee laga dhaxlo ee ay ka midka yihiin fatahaadda iyo abaaraha ayaa dadaal ugu jirta hagaajinta deegaanka.

SHARE