Home Wararka Maanta Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Gaari kuwa aan xabada Karin, ayaa goor dhaw waxaa qarax lagula eegtay laami yaraha Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Gaarigan oo la sheegay inuu yahay nooca aan xabada karin ee Proofta loo yaqaan, ayaanan la ogeyn meesha qaraxa looga soo xiray, isaga oo wadada socda ayuuna qarxay.

Lama oga shaqsiga gaariga watay waxa uu yahay, balse Saraakiil Dowladda ka tirsan ayaa sheegay ruuxa gaariga waday inuu yahay Shaqaale Dowladeed.

Ruuxii waday gaariga kaliya ayaa ku dhintay qaraxaasi, mana jirto khasaare kale oo ka dhashay, sida dadka degaanka ay xaqiijiyeen.

Ciidamada Booliska oo gaaray goobta ay wax ka dhaceen, ayaa halkaasi waxa ay ka wadaan baaritaan, iyadoo wadada la xiray.

Laami yaraha Zoobe ayaa waxa ay tahay wado aad u mashquul badan marka loo eego isticmaalka gaadiidka dadweynaha.

SHARE