Home Wararka Maanta Qarax caawa ka dhacay Magaalada Boosaaso

Qarax caawa ka dhacay Magaalada Boosaaso

Sida ay sheegay aan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari qarax ayaa caawa wuxuu ka dhacay Magaaladaasi.

Qaraxan ayaa waxaa lala eegtay gaari Cabdi bile ah oo maraayay xaafadda Al Raxma ee Magaalada Boosaaso sida dad goobjoogayaal ah ay xaqiijiyeen.

Gaariga ayaa waxaa saarnaa Ciidan Boolis ah,lama oga khasaaraha dhimashada & midka dhaawaca ah ee ka dhashay Qaraxan gaariga lala eegtay.

Ciidamo kale oo badan kana ambabaxay Saldhiga Boosaaso ayaa ku cararay goobta qaraxa gaariga Ciidanka lagula eegtay, si ay ugu gurmadaan Ciidamada Qaraxa lala eegtay.

Ammaanka Magaalada Boosaaso ayaa maalmihii dambe wuxuu ahaay mid aanan wanaagsaneyn oo ay ka dhacayeen falal lidi ku ah dhanka ammaanka.

SHARE