Home Wararka Maanta Qaramada Midoobay oo ku baaqday xasilooni kaddib markii lagu murmay doorashada DRC

Qaramada Midoobay oo ku baaqday xasilooni kaddib markii lagu murmay doorashada DRC

Qaramada Midoobay oo ku baaqday xasilooni kaddib markii lagu murmay doorashada DR

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa ka codsaday dhinacyada dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo inay ku dadaalaan nabadda iyo xasiloonida dalkaasi kaddib markii lagu murmay natiijada kasoo baxday guddiga doorashooyinka.

Xoghayaha guud ayaa ka codsaday dhinacyada isku haya doorashada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo in khilaafkooda ay ku xaliyaan qaab waafaqasan sharciga iyo dastuurka dalkaasi.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobey oo lagu magacaabo Stephane Dujarric ayaa soo saaray bayaanka kasoo baxay Antonio Guterres.

Natiijada horudhac ah ay shaaciyeen guddiga doorashada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa waxaa ku horreyaa Felix Tshisekedi oo ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka.

Natiijadan waxaa ka horyimid ninka sida weyn uu loolanka uga dhexeeyay Martin Fayulu oo sheegay ‘in lagu afgembiyay doorashada’.

SHARE