Home Wararka Maanta Nin Sarqaansan oo Carruur gaari ku jiirsiiyay Muqdisho

Nin Sarqaansan oo Carruur gaari ku jiirsiiyay Muqdisho

Wararka aan ka helayno laamiga kala qaybiya Degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi, ayaa sheegay gaari yar oo nooca raaxadda ah inuu halkaasi ku jiiray laba Carruur ah oo Dugsi Qur’aan u socotay.

Arrintaan ayaa dhacday saaka arroortii, xilli carruurtaan ay marayeen laamiga dhinaciisa, waxayna dadkii goobjoogayaasha ahaa sheegeen in labada carruurta ah ay dhinteen.

Gaariga ayaa la sheegay inuu waday nin Sarqaansan, waxaana la saarnaa dumar iyagana sarqaansan, kuwaasi oo ka yimid Xeebta Liido, halkaasi oo xalay dhan ay soo jeed waaga ugu baryay, sida ay sheegtay haweenay ka mid aheyd dadkii gaariga saarnaa.

Gaariga oo si xowli ah ku socday, ayaa ugu tagay carruurtaan marshibiyeedka laamiga, mid ayaa durba meesha ku dhintay halka mid kalena isaga oo dhaawac ah la qaaday ugu dambeyna geeriyooday.

Qof goobjooge ahaa ayaa Warbaahinta u sharaxay sida uu ku dhacay shilkaan.

“Gaari yar oo nooca raaxadda ah ayaa ilmahan ku dilay Marshibiyeedka laamiga, kadib markii xoog uu ku socday, carruurta laba ayeey ahaayeen midna 10-sano ayuu jiray midna 12, haa waa ay dhinteen labadoodaba.” Ayuu yiri goobjoogaha.

Ninkii waday gaariga yar ayaa la sheegay in gacanta lagu dhigay, lana geeyay Saldhiga Booliska Degmada Waaberi.

SHARE