Home Wararka Maanta Nin qandaraasle ahaa oo caawa lagu dilay Baledweyne

Nin qandaraasle ahaa oo caawa lagu dilay Baledweyne

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Baledweyne, ayaa sheegaya in caawa magaaladaasi lagu dilay nin ka shaqaynayay NGO lagu magacaabo Goobaale.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Cismaan Muumin (Fanax), ayaa waxaa lagu dilay xaafadda Hawlwadaag, ka dib markii ay weerareen rag bistoolado ku hubeysnaa.

Raggan oo aan la garanayn cidda dhabta ahi ee ay ka tirsan yihiin, ayaa dilka ka dib ka baxsaday halkaasi, oo ay soo gaareen ciidamada ammaanka.

Dadka deegaanka, ayaa waxay xaqiijiyeen in ciidamada ammaanka ay xilligan hawlgal ka wadaan xaafadaasi, iyagoona ku raadjooggan dembiile-yaasha.

Gudoomiyaha Degmada Beledweyne, Aadan Axmed Xeefow oo xaqiijiyay dilka Ibraahim Cismaan Muumin, ayaa dhanka kale sheegay in ay carareen raggii dilay, balse ay ciidamadu ku daba jooggan.

Gudoomiyaha oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal ee Magaalada Muqdisho, ayaan kala cadayn cidda ay ka tirsan yihiin kuwa dilka gaystay, hase ahaatee la kala ogaan doono baaritaanada ka dib.

Fanax, ayaa wuxuu ka tirsanaa ganacsato qandaraas ku soo qaadatay suuqyo la sheegay in laga dhisay xaafadaha Hawlwadaag, Buundoweyn iyo Xaawo Taako.

Horaantii sanadkan, ayay ahayd markii xaafadda Xaawo Taako ee Magaalada Baledweyne lagu dilay nin kale, oo ka tirsanaa ganacsatada soo qaadatay qandaraaska lagu dhisayo suuqyadan.

SHARE