Home Wararka Maanta Nabadood da’ahaa oo lagu dilay Degmada Baraawe

Nabadood da’ahaa oo lagu dilay Degmada Baraawe

Laba dhalinyaro ah oo ku hubaysnaa Bistoolado ayaa xalay fiidkii waxa ay xaafad ka tirsan Degmada Baraawe ku dileen Nin Da’ahaa, kaasi oo lagu magacaabi jiray Sayidnaa Xaajow Muukow oo caan ka ahaa Magaalada gaar ahaan xaafadii uu deganaa ee Saqaawu-diin.

Kooxda dilka gaysatay ayaa waxa ay Marxuum Sayidnaa u dileen si farsameysan, kadib markii ay isaga dhigeen dhalinyaro kubad cayaareysa, kadibna markii Masjidka uu ka soo baxay oo inyar uu soo socday ay rasaas hubiyeen.

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay ninka la dilay in horey uu u ahaa Janan ka tirsanaa Dowladdii Dhexe, hadana uu ahaa howlgab, oo 91-dii ay ugu dambeysay siyaasad.

Wuxuu sheegay Gudoomiye C/fataax dilka Marxuum Sayidnaa in ay ka dambeeyaan ururka Al-shabaab, hadana Ciidamada ay ku daba jiraan raggii ka dambeeyay falkaasi.

Dhalinyarada fulisay dilka ninkaasi Nabadoonka ahaa ayaa ka baxsaday goobtii ay ku dileen Marxuumkaasi.

Dilalka loo gaysanaayo Nabadoona ayaa aad ugu badan Gobolada dalka Somaliya iyo Magaalada Muqdisho intaba.

SHARE