Home Wararka Maanta Nabad Suggida oo Garoonka Aadan Cadde ku qabatay Shabakad ka shaqeysa lacag...

Nabad Suggida oo Garoonka Aadan Cadde ku qabatay Shabakad ka shaqeysa lacag dhaqida

Nabad Suggida Somaliya ayaa sheegtay in Garoonka Aadan Cadde ay ku qabten, laba ruux oo ka shaqeynaayay dhaqida lacagta doolarka madow, kadib markii la helay xogta raggaasi.

Qoraal lagu daabacay Barta Hay’adda Nabad Suggida ku leedahay Twitterka, ayaa waxaa lagu sheegay, in raggaasi oo ah Shabakad isku xiran ciidamada ay qabteen, islamarkaana baaris lagu haayo.

Nabad Suggida Somaliya ayaa sheegtay arrinta lacag dhaqida Shabakadaasi inuu ku lug leeyahay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Somaliya, islamarkaana ma aysan shaacin magaca Xildhibaankaasi.

Qoraalka NISA ayaa lagu yiri sidan “Ciidamada ammaanka garoonka Aadan Cade ee Muqdisho waxay gacanta ku dhigeen shabakad ka shaqaysa fal-dambiyeedka lacag dhaqida iyo samaynta Dollar been abuur ah, waxaana gacanta lagu hayaa laba ka mid ah shabakadaas, kuwa kalana waa lagu daba jiraa”.

Hay’addaha ammaanka ayaa marar badan sidan oo kale u soo qabtay ragga ka shaqeysta dhaqida Dollarka madow, iyadoo ay Maxkamadda gobolka Banaadir horkeeneen eedeysanayaal badan, shakhsiyaadka loo xukumo dhaqista Dollarka madow ayaa lagu xiraa xabsiga dhexe ee Xamar.

Muqdisho ayaa waxaa jooga rag badan oo ku shaqeysa nidaamka lacag dhaqista doolarka madow, kuwaasi oo siyaabo dhuumaaleysi ah lacagta ku dhaqa.

SHARE