Home Wararka Maanta Muslimiin ay Somali ku jirto oo lagu weeraray London (Daawo Sawirada)

Muslimiin ay Somali ku jirto oo lagu weeraray London (Daawo Sawirada)

Weerar gaari loo adeegsaday, ayaa xalay lagu qaaday hareeraha wado ku dhow Masaajid ku yaala Waqooyiga Magaalada London.

Nin la socday gaarigan, ayaa waxaa la sheegay in uu beegsaday dad ka soo dareeray Masaajidkaasi, oo Salaaddii Taraawiixda ku soo tukaday. Dhacdadan waxay ka dhacday xaafadda Finsbury Park, oo Somalidu ku badan tahay.

Ugu yaraan hal qof, ayaa waxaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay weerarkaasi, halka toddobo kalana ay ku dhaawacantay. Dadka ku dhaawacmay weerarkaasi waxaa ku jira dad Soomaali ah.

Ciidamada Booliska, ayaa gacanta ku dhigay nin caddaan ah oo da’diisa ay ku sheegeen 44 jir. Boolisku waxaa ay sheegeen in ninkaasi lagu samaynayo baaritaan xagga dhimirka ah.

Goobjooge la hadlay BBC, ayaa sheegay in ay maqleen dadka qaylinaya, markii ay dibadda u soo baxeyna ay goobtaasi ku arkayn dad wadada yaala iyo kuwo kale oo hareeraha laamiga cararaya.

“Sawaxan aad u weyn ayaan maqalnay, ka dibna bannaanka ayaan u soo baxnay, waxaana aragnay laba nin oo bannaan taagan, wax yar ka dibna waxaan aragnay dad dhulka yaala, qaar kalana bidix iyo midig ayay u ordayeen. Runtii argagax ayay ahayd, runtii goobta way qasneyd.” Ayuu yiri goobjoogahan.

Maxamed Ibraahim Ukure oo ka mid ah Somalida degan Finsbury Park, ayaa sheegay in dhawr qof oo Soomaali ahi ay ku dhaawacantay weerarkaasi.

Maxamed Ibraahim oo la hadlay VOA, ayaa xusay ninka weerarka soo qaaday in uu ugu talla-galay in uu laayo dadkii ka soo baxay Masaajidka.

Guddiga Muslimiinta Britain, ayaa sheegay in gaarigaasi si ula kac ah loo jiirsiiyay dad cibaadeysanaya, oo ku sugnaa xaafadaasi Finsbury Park.

SHARE