Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka

Wareegii koowaad ee doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa goor dhaweyd soo dhamaatay, iyadoo Guddiga Doorashada ay ku dhawaaqeen Natiijada Codadka la kala helay.

Afar Musharax ayaa xilkaan u tartamaysay kuwaasi oo madasha Golaha Shacabka goobjoog ahaa, islamarkaana Xildhibaanada ay u codeynayeen.

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawari ayaa Hogaaminaya Codadka ilaa hada la tirayay, wuxuuna helay codad gaaraya 141 cod, iyadoo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee dalka uu noqday.

C/rashiid Maxamed Xidig oo ah ruuxa xigay dhanka codadka marka la fiiriyo wuxuu helay 99 cod.

Halka C/fataax Ibraahin Geesey uu isagana helay codad gaaraya 17 cod.

Idiris Cabdi Dhaqtar ayaa helay 2 cod oo kaliya, halka labo codna ay halaaween.

Ilaa hada Guddiga Doorashada si rasmi ah uguma aysan dhawaaqin codadka, laakiin Guddiga waxa ay horay u sheegeen Musharaxii hela 139 cod inuu yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka.


Nagala soo xiriir
dhacdo@gmail.com ama
dhacdo@hotmail.com