Home Dhacdooyinka Maxaan ka baranay weerarkii Pizza House?

Maxaan ka baranay weerarkii Pizza House?

Wuxuu ahaa mid ka mid ah weeraradii ugu dhiig daadashada badnaa ee Shabaabku ka gaystaan Magaalada Muqdisho, tan iyo intii ay la dagaalamayeen dowladihii ugu dambeeyay, ee dalka ka arriminayay.

Weerarkan, ayaa waxaa ku dhintay 29 qof oo 18 ka mida ay shacab yihiin, ayna ku jiraan laba hablood oo walaalo ahaa, oo ka afurayay maqaaxida Pizza House. Dadka kale ee weerarka ku dhintay, ayaa kala ahaa 5 ka mid ah ciidamada amniga iyo 6-dii nin ee weerarka soo qaaday.

Shacabka Somaliyeed, ayaa dal iyo dibadba walaac xoogani ka muujiyay weerarkaasi, oo dadka ugu badan ee ku dhintay ay yihiin rayid aan waxba galabsan. Madaxda dunida qaarkood ayaana si kulul u cambaareeyay.

Mintidiinta Ururka Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkaasi, ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku sheegeen in ay beegsadeen goob xilliyada habeenkii ah lagu tunto, mana muuqan wax jixin-jix ah oo ay ka muujiyen rayidkii ay gardarada ku laayeen.

Axmed Maxamed Maxamuud (Sayid Carab), Afhayeenka Wasaaradda Amniga oo ka hadlayay waxyeelada weerarkaasi loogu gaystay shacabka, ayaa yiri “Cadowga waxa uu beegsanayo maaha dowlad, masuuliyiin iyo ciidan ee cadowga waxay beegsanayan umadda Somaliyeed jiritaankeeda inay baaba’iyan.”

Afhayeenka, ayaa intaa ku daray “Umadda Somaliyeed waxaan ugu baaqaya in cadowgaas laga feejignado, loona diyaargarowbo askari, shacab iyo maamulba inaan nimankaas cadowga ah la dagaalano. Cadowga waxay maanta baaba’iyeen gabdho yar yar oo Somaliyeed oo 18 jiro ah, waxayna ku baaba’iyeena waa bi khayri sharci.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo oo isna Khamiistii ka hadlayay dadka la laayay, ayaa yiri “Dadkaasi waxay ahaayen dad shuhadda ah oo bil soon la dilay, weliba xilli ay faraxsanaayen. Waa arrin laga murugoodo in bil Ramadan ah, weliba tobankii dambe dad Somaliyeed oo waxba galabsan in la laayo. Weliba lagu faano ayada oo shaar diimeed la huwan yahay.”

Waxa kaloo uu yiri “Cadowgan waa mid noo diidan inaan faraxno, inaan nabadgelyo helno, inaan shucuubta dunida la jaan-qaadno iyo in qoyska Somaliyeed ay nabad ku soomaan, nabadna ku afuraan.”

Madaxweynaha, ayaa yiri “Goobtii ay weerareen waa meel ay inta badan isugu yimaadan dhalinyarada Dugsiyada Sare iyo Jaamacadaha, ayna da’dooda u dhaxeyso 15 illaa 25. Aan is waydiino maxaa loo laayay dhalinyaradaas? Maxay galabsadeen? Ma ciidan baa? Ma dowlad baa? Waa maya. Waxa loo laayay maxaad u faraxsan tihiin? Maxay rajo dowladnimo idin gashay? Maxaa feker xagjir ah aad u qaadan weydeen?

Maxamed C/laahi Farmaajo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ayaa sheegay in Shabaab looga adkaan karo wada shaqayn dhex marta laamaha amniga iyo bulshada, wuxuuna yiri Madaxweynuhu “Dabar go’a Al Shabaab wuxuu ku xiran yahay isu soo dhawaanshaha hay’adaha amniga iyo shacabka.”

Maqaaxida Pizza House oo ah goob loo nasasho taggo, lagana cunteeyo, ayaa weerarka qaawan ee lagu qaaday waxaanu ka baran karnaa in Shabaabku aanay kala sooceen dowlad iyo shacab, midna, balse uu yoolkoodu yahay in ay wax uun dilaan.

SHARE