Home Wararka Maanta Mareykanka oo sheegay Afar xubnood Shabaab in lagu dilay hawlgalkii Awdheegle

Mareykanka oo sheegay Afar xubnood Shabaab in lagu dilay hawlgalkii Awdheegle

Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay weerar habeen hore ciidankooda gaarka ah ay ka fuliyeen deegaanka Awdheegle oo gacanta ay ku hayaan Ururka Al Shabaab.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, ayaa lagu sheegay hawlgalkaasi inay wada fuliyeen ciidan wadajir ah, islamarkaana la beegsaday deegaan gacanta ay ku hayeen Ururka Al Shabaab.

Mareykanka ayaa sheegay in weerarkaasi oo ay fuliyeen ciidamo iskaashanaya uu ka dambeeyay kaddib markii Mareykanka iyo ciidamada saaxiibada ah ay la kulmeen weerar islamarkaana uu weerarka Awdheegle ahaa is difaacid.

Waxa uu sheegay in uusan jirin khasaare ka soo gaaray dad rayid ah, hayeeshee ay ku dhinteen afar xubnood oo ka mid ah Al-Shabaab sida lagu sheegay warka Mareykanka ka soo baxay.

Mareykanka ayaa intaas ku daray in uu sii wadi doono weerarrada ka dhanka ah Al-Shabaab ee bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, si Al-Shabaab looga illaaliyo in ay helaan goobo ammaan ah oo ay ku diyaarin karaan weerarrada ka dhanka ah Dowladda Soomaaliya, Amisom iyo Mareykankuba.

Saraakiisha Somalida oo weerarkaasi ka hadlay waxa ay sheegeen in la bur buriyay goob Shabaab ay ku diyaarinayeen waxyaabaha qarxa oo ku taalla deegaanka Awdheegle, laakiin Shabaab dhankooda waxa ay sheegteen inay iska difaaceen weerar fashilmay oo ciidamada Mareykanka & kuwa Somali ah ay ku soo qaadeen Awdheegle.

SHARE