Home Wararka Maanta Magacyada Musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya

Magacyada Musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya

Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Golaha shacabka ayaa maanta lagu wadaa in ay ka dhacdo Doorashada Guddooomiyaha Baarlamaanka Federaalka Somaliya, maadaama horey ay u shaaciyeen Guddiga Qaban Qaabada Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.

Musharaxiin kala duwan ayaa u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka, kuwaasi oo ay kala wataan Musharaxiin u taagan qabashada xilka Madaxtinimada Somaliya.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya sidii ay u dhiiban lahaayeen codadkooda, oo ay u siin lahaayeen shaqsiga ay u arkaan in uu mudan yahay xilkan.

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxa ay kala yihiin:-

  1. Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).
  2. C/fitaax Ibraahim Geeseey.
  3. Idiris Cabdi Dhaqkhtar.
  4. C/rashiid Maxamed Xidig.

Baarlamaanka Somaliya ayaa Afartaan Musharax midkood u dooran doona inuu hogaamiyo Afarta sano ee soo socota.

SHARE