Home Wararka Maanta Madaxweynihii hore ee Somaliya oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Madaxweynihii hore ee Somaliya oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Madaxweynihii hore ee Somaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somaliya.

Soo dhaweynta Madaxweyne Shariif waxaa ka qeyb qaatay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada oo uu ugu horeeyo Wasiirka amniga Somaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle, Xildhibaanada Golaha Shacabka, Saraakiil ciidan iyo waliba dad kale oo caadi ah.

Sawirro laga soo qaaday aagga Garoonka ayaa muujinayay dadweyne badan oo isku soo baxay, islamarkaana wata sawirka Shariif Sheekh Axmed, si ay uga qeyb qaataan soo dhaweynta.

Imaanshiyaha Madaxweynihii hore ee Somaliya ayaa la sheegay inuu la xiriiro ka qeyb galka shirka Xisbiga Himilo Qaran oo Muqdisho ka dhacaya, kaasi oo uu Musharax ka yahay Doorashada soo socota.

Madaxweynihii hore ee Somaliya ayaa hadal uu warbaahinta siiyay ku sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu dib ugu soo laabto dalka, wuxuuna ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka xisbiga Himilo Qaran, kaasi oo lagu dooranayo xubnaha ka mid noqonaya Golaha Fulinta.

SHARE