Madaxweyne Xasan oo sheegay in canshuurta ugu badan laga qaadi doono qaadka (SAWIRRO)

Madaxweynaha Dowladda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa uu maanta ka hadlay dhibaatada uu qaadku ku haayo bulshada Somaliyeed, isagoona qiray in halis uu ku yahay nolosha bulshada Somaliyeed.

Madaxweynaha waxaa uu tilmaamay in waqti badan ay ku qaadaneyso Dowladda Somaliya, marka ay dadaal u gasho joojinta qaadka, laakiin waxaa uu ku baaqay in shacabku ka qayb qaataan sidii dalka looga mamnuuci lahaa cunistiisa.

Madaxweynaha, ayaa yiri “Dowladda marka ay go’aan ka qaadaneyso ee ah in la mamnuuco qaadka waxa ay u baahantahay waqti badan, balse culimada iyo bulshada rayidka waxaan ka rabnaa inay door ka qaataan wacyigelinta bulshada dhibaatada uu leeyahay qaadka.”

Madaxweynaha, ayaa hoosta ka xariiqay in qaadka laga dhigi doono midka ugu badan ee canshuurta laga qaado, si dad baran lahaa cunistiisa ay kaga waan-toobaan.

“Dowladddu waxa ay samayn doontaa in lacagta ugu badan ee canshuur ah laga qaado qaadka, si dadka sida sahlan ku baran lahaa, ay isaga dhaafaan.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.

Madaxweynaha oo maanta ka qaybgalay Barnaamijka Daahfurka Dowladda oo ka dhacay SYL Hotel, su’aalana lagu weydiinaayay, ayaa wax laga weydiiyay siyaasadda ku aadan Gobolka Banaadir, wuxuuna cadeeyay in uu lamid yahay Gobolada kale ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu yiri “Gobolka Banaadir waxa uu ka mid yahay 18-ka gobol ee dalka, gobolkasta xaqa uu leeyahay ayay leeyihiin bulshada gobolkan, balse waa caasimadda Jamhuuriyadda, Maqaam gaar ah ayay yeelaneysaa, inkasta oo aan weli diyaarsaneyn maqaamka, dowlad goboleedyada qaar dadka ku nool, waxaa ka tiro badan kuwa caasimadda ku nool, in xuquuqdooda la duudsiiyo xaq ma ahan, waxaa socoto qorshe ah in la sameeyo gole deegaan, bulshadana ay isu abaabusho sidii ay isu dooran lahaayeen.”

Culusow
Culusow1
Culusow2
Culusow3
Culusow4
Culusow5


Nagala soo xiriir
dhacdo@gmail.com ama
dhacdo@hotmail.com