Home Wararka Maanta Madaxweyne Gaas oo cadeeyay mowqifkooda ku aadan Imaaraadka Carabta

Madaxweyne Gaas oo cadeeyay mowqifkooda ku aadan Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas oo shir jaraa`id ku qabtay xarunta Ciidamadda Badda Puntland ee Boosaaso oo ay gacanta ku hayso dowladda Imaaraatka Carabta ayaa si adag uga hadlay xariirka u dhaxeeya labada dhinac.

Madaxweynaha Puntland ayaa aad ugu dheeraaday xariirka ganacsi ee u dhaxeeya Soomaaliya & Imaaraatka Carabta, wuxuuna sheegay in uu Puntland qiimo weyn ugu fadhiyo xariirka Imaaraatka oo ay ilaalin doonaan wajibaadna ka saaran yahay.

Madaxweynaha Puntland ayaa cadeeyey in Dawlada Imaaraadka Carabtu ay mashaariico kala duwan ay ka wado Puntland waxana uu sheegaya inaysan cidna ku badalan karin horumarka ay Puntland ka wadaan.

Cabdiwali Gaas ayaa Been abuur ku tilmaamay hadalo warbaahinta lagu faafiyey oo ahaa in Saraakiisha Ciidamada Imaaradku ay ka baxaan Puntland.

Madaxweynaha wuxuu sheegay mowqifkooda inuu yahay inay wada shaqeeyaan Puntland Iyo Imaaraadka carabta, wuxuuna cadeeyay inaysan ka maarmin haddii ay yihiin Imaaraadka Carabta.

SHARE