Home Dhacdooyinka Madaxweyne Gaas iyo DP oo heshiis kala saxiixday (SAWIRRO)

Madaxweyne Gaas iyo DP oo heshiis kala saxiixday (SAWIRRO)

Madaxweynaha Maamulka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta heshiis Dekeda Boosaaso loogu wareejinayo Shirkadda Dubai Ports kula gaaray Magaalada Dubai.

Ujeedka heshiiska, ayaa ah ballaarin iyo casiyayn lagu sameeyo Dekeda Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Heshiiskan, ayaa waxaa dhinaca Puntland hormuud u ahaa xubno uu horkacaayay Madaxweynaha Puntland, halka dhinaca Shirkadda DP World uu hogaaminayay madaxa shirkaaasi, Sultan Ahmed Bin Suleyman.

Dhinaca Puntland, ayaa waxaa heshiiskan u saxiixay Madaxweyne C/weli Gaas iyo Wasiirka Dekedaha, Saciid Maxamed Raage, halka dhinaca DP World uu u saxiixay Sultaan Ahmed Bin Suleyman.

Qoddobada gundhiga u ah heshiiska, ayaa ah in deked ballaceedu yahay 450 mitir, joogeeda hoosena yahay 12 mitir oo cusub la dhiso, isla-marhaantaan la dayactiri doono dekeda hada jirta ee Magaalada Boosaaso.

Lacagta lagu maalgelinayo mashruuca, ayaa dhan $336 million, lacagtaas oo wejiga koowaad ee dekeda la gelin doono $200 million, halka wejiga labaad ee dekeda la gelin doono lacag dhan $ 136 million.

Dhismaha dekeda, ayaa lagu dhamays tiri doonnaa muddo 24 bilood gudahood ah, oo ka bilaabaneysa maalinta heshiiska la saxiixay. Heshiiska ayaa waxaa uu socon doonnaa muddo 30 sanadood ah oo ka bilaabanaya taariikhda heshiiska qalinka lagu duugay.

Madaxweyne Gaas oo ka hadlay munaasabadda heshiiska lagu kala saxiixday, ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo Shirkadda DP WORLD, ugana mahadcelinayo soo dhawaynta wanaagsan, ee ay u sameeyen isaga iyo wefdigii uu hogaaminaayay.

Sultaan Ahmed Bin Suleyman, ayaa isna madasha ka sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay heshiiska ay la gaareen Puntland, isla-markaana ay ballaarin doonaan Dekeda Boosaaso.

Heshiiskan, ayaa waxaa uu ku soo beegmaya, xilli Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ay mooshin ka diyaariyeen heshiiskani mid la mida, oo DP WORLD ay horey ula gaartay Somaliland.

SHARE