Home Wararka Maanta Madaxweyne Farmaajo oo si diiran loogu soo dhaweeyay Boosaaso

Madaxweyne Farmaajo oo si diiran loogu soo dhaweeyay Boosaaso

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo, ayaa gaaray Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Wefdiga Madaxweynaha Somaliya oo ka amba baxay Magaalada Qardho, ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Xarunta Gobolka Bari ee Magaalada Boosaaso, iyadoo soo dhawayntoodu ay ka qayb qaateen Maamulka Gobolka Bari, kan degmada iyo dadweyne aad u fara-badan.

Dadweynaha oo wadooyinka isugu soo baxay, ayaa sare u lulaayay calanka dalka iyo sawirada madaxweynaha, waxayna wafdiga hogaamiyaha dalka u muujiyeen sida ay hogaamintiisa ugu qanacsan yihiin.

Wefdiga Madaxweynaha Somaliya, ayaa si nabdoon ku gaaray Xarunta Madaxtooyada Boosaaso, halkaasoo ay iminkaba ku sugan yihiin.

Wariye-yaasha, ayaa soo sheegaya wefdiga Madaxweyne Farmaajo inay saacadaha soo socda Magaalada Boosaaso kula kulmi doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada, oo waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ay ugu horeeyan.

Wefdiga Madaxweynaha oo safar dhinaca dhulka ku tagey Magaalada Boosaaso, ayaa ku soo hakaday deegaano ay Carmo ka mid tahay, oo dadka deegaankaasina ay wadooyinka isugu soo baxeen.

Farmaajo waxaa safarkiisan Magaalada Boosaaso ku wehlinaya Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, Wasiiro, Xildhibaano iyo weliba Siyaasiyiin.

Dhanka kale waxaa si weyn loo adkeeyay amniga guud ee Magaalada Boosaaso, iyadoo wadooyinka qaarkood la soo dhigay ciidamo ka qayb qaadanaya xaqiijinta amniga.

Waa markii ugu horeysay oo Madaxweyne Farmaajo uu booqasho ku taggo Magaalada Boosaaso, tan iyo markii xafiiska loo doortay horaantii bishii February ee sanadkii hore.

SHARE