Home Dhacdooyinka Madaxweyne Farmaajo oo markale weeraray Al Shabaab

Madaxweyne Farmaajo oo markale weeraray Al Shabaab

Maxamed C/laahi Farmaajo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ayaa weerar afka ah ku qaaday Shabaabka hubeysan ee dagaalka ka wada dalka, isagoona dagaalkooda ku sheegay mid bilaa ujeedo ah.

Madaxweynaha oo Jimcihii boqolaal qof Salaadda Jimcaha kula tukaday Masaajidka Isbaheysiga ee Magaalada Muqdisho, ayaa markale ka hadlay weerarkii dadka badani ku dhinteen, ee Shabaabku ku qaadeen maqaaxida Pizza House.

“Sidaad ogtihiin doraad dad masaakiin ah oo meel ka qaxweynaya, oo waqti Ramadan ku jira, ayaa dad sheeganaya magac diin waxay laayeen wax alaala wixii meesha joogay oo carruur, gabdho iyo du’qeyba, oo meesha ku afuraayay. Maxay galabsadeen? Maxay gaysteen?” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.

Madaxweynaha, ayaa sheegay in dadkaasi lagu laayay magaca Islaamka, waxaana uu su’aal ka keenay Muslimka amaba diinta qabta in dadka la’iska laayo.

“Dadkaasi waxaa lagu laayay magaca Muslimiinta. Muslimkee weeye kan qaba in dadka la laayo? In naf la xalaaleysto diintee qabta? Waxyaabahaas waxay ka mid yihiin waxyaabaha magac xumada iyo sharaf xumada noo keenaya, oo caalamka noo tusaaya inaan nahay dad bahala ah.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay inay jiraan su’aalo la weydiiyo, isla-markaana aanay wax jawaab ahi u haynin, haddii ay yihiin Madaxdii Qaranka Somaliyeed.

“Haddan masuuliyiin nahay su’aalaha ugu adag oo nala weydiiyo, aanan ka jawaabin karin waxay tahay war maxaad ku dagaaleysaan? Colaadda iska socota iyo dhibka idinku socda, muxuu ku saleysan yahay? Waxaan ku macnayno ma naqaano.” Sidaasi waxaa yiri Hogaamiyaha Somaliya.

Waxa kaloo uu yiri “Markaan ku dhahno war Afrika waad dhex gasheen, meelkastoo xarbul ahli ka dhacay, maxaad anaga noo fiirin weydeen? Jawaabta ugu sahlan waxay tahay bal noo macneeya waxaad ku dagaaleysaan?”

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu yiri “Waxaad noo sheegtaan inaad tihiin dad isku isir, diin, dhaqan iyo luqad ah. Haddaad noo sharaxdaan waxaad isku dagaaleysaan, waan idin soo dhex galeynaa, sida kuwa kale aan u kala dhex galnay.”

Farmaajo, ayaa intaa ku daray “Marka anagaa la rabaa inaan macnayno. Waxa keliya aan anigu ku macnayn karo waxay tahay qof walbaa inuu Ilaahay u noqdo, dhibkaana ma haraayo. Labadaas arrimood aan sheegayna oo ah colaadda ama amni xumada iyo faqriga waxaa hoos yimaada waxkastoo bani’aadamka u daran. Waxaa hoos yimaada midnimo xumo, cudur, foolxumo iyo sharaf la’aan.”

Daawo: Khudbadda Madaxweynaha

SHARE