Home Wararka Maanta Madaxweyne Farmaajo oo Dr. Nuur Fuursade u magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada

Madaxweyne Farmaajo oo Dr. Nuur Fuursade u magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan maanta u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada. Intii uu kamidka ahaa La-taliyeyaashayda, wuxuu Dr. Fuursade muujiyay inuu yahay shakhsi hufan oo daacadnimo iyo hawlkarnimo ay u dheertahay, waxaana Alle uga baryayaa inuu xilkan culus u fududeeyo.”

Madaxweynahu waxa uu sidoo kale u mahadceliyay Agaasimhii hore Madaxtooyada Marwo Drs. Aamina Saciid Cali oo uu ku tilmaamay in ay ahayd qof waqti badan galisay u adeegidda dalka iyo dadka.

Prof. Nuur Diiriye Fuursade ayaa kahor inta aan xilkan loo magacaabin ahaa La Taliyaha Madaxweynaha Somaliya ee dhanka Siyaasadda iyo Istiraatiijiyadda.

SHARE