Madaxweynaha Somaliya oo hambalyo u diray Yoweri Museveni

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda, Yoweri Kaguta Museveni oo mar kale loo doortey xilka madaxtinimada dalkiisa.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa guul u rajeeyay dhigiisa Uganda, kuna guuleysto shaqada adag ee hortaala, dalkiisana uu ku hogaamiyo xasilooni, midnimo iyo barwaaqaba.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan kugu hambalyeeyo doorashada mar kale ay shacabkaaga ku doorteen. Waxaan kuu rajeynayaa inaad ku guuleysato hawsha adag ee ku hortaala ee aad dalkaaga ugu dhaqaajineyso xoojinta nabadda, midnimada, barwaaqada iyo in waddankaaga uu ku sii baaqi ahaado doorka uu ku leeyahay qaaradda Afrika ee dhinaca horumarka iyo nabad aslaaxinta.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha, ayaa sheegay in wax lagu diirsado ay tahay in shacabka reer Uganda ee uu horkacayo Madaxweyne Museveni ay adduunka tuseen biseylkooda ku dhaqanka dimoqraadiyadda si nabad ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhambaalkisa ku soo gabagabeeyay inuu rajeynayo si xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, isagoo sidoo kale ka mahad celiyay doorka Uganda ee Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika Ee Somaliya.


Nagala soo xiriir
dhacdo@gmail.com ama
dhacdo@hotmail.com