Home Wararka Maanta Madaxweynaha Somaliland oo sameeyay magacaabis & Xil ka qaadis

Madaxweynaha Somaliland oo sameeyay magacaabis & Xil ka qaadis

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Axmed, ayaa Wareegto uu ka soo saaray Xafiiskiisa wuxuu ku sameeyay xil ka qaadis & magacaabis cusub.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in xilalkii laga qaaday Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Cawaale Ibraahim Shirwac Looddoon, Safiirka Somaliland u Fadhiya Itoobiya Axmed Xasan Cigaal.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale Digreetada ku magacaabay masuuliyiintaan kala ah.

1 Cumar Cali Cabdillaahi Bade Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

2 Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin) Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

3 Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

4 Salaan Xasan Kayd Cabdille Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya

SHARE