Home Wararka Maanta Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Baraawe (SAWIRRO)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Baraawe (SAWIRRO)

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi casiis Lafta gareen ayaa maanta safarkii labaad tan iyo markii la doortay wuxuu ku tagay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha hoose.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa safarkiisa waxaa ku wehlinaayay Wasiiro ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Ujeedada safarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ku tagay Magaalada Baraawe ayaa waxa ay tahay kormeerka dhismaha Garoonka Diyaaradaha Caasimadda Koonfur Galbeed ee Magaalada Baraawe.

Baraawe oo Caasimadda Maamulka Koonfur Galbeed ah ayaanan nasiib u yeelan inuu maamulka ku shaqeeyo sababo ku aadan in deeganada ku dhaw Baraawe wali ay gacanta ku hayaan Shabaab.

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa adkeeyay ammaanka duleedyada Magaalada Baraawe si loo xaqiijiyo ammaanka Magaaladaasi.

 

SHARE