Home Wararka Maanta Madaxweynaha Kenya oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjire Tarsan (SAWIRRO)

Madaxweynaha Kenya oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjire Tarsan (SAWIRRO)

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta magaalada Nairobi waxa uu warqadaha safiirnimo uga guddoomay danjiraha cusub ee Soomaaliya.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa loo magacaabay Danjiraha Soomaaliya ee Kenya, waxaana uu maanta warqadahiisa aqoonsiga danjirenimo u gudbiyay Uhuru Kenyatta oo ku qaabilay Madaxtooyada Kenya.

Tarsan ayaa horay u soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho intii uu xilka hayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale Tarsan ayaa waxa uu horay u ahaa La taliyaha dhinaca siyaasadda ee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Danjire Tarsan ayaa ka mid ahaa Danjirayaal dhawr ah oo bilooyin ka hor ay magacawday Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

SHARE