Home Wararka Maanta Madaxweynaha Iran oo booqday deegaanada uu dhulgariirku saameeyay (SAWIRRO)

Madaxweynaha Iran oo booqday deegaanada uu dhulgariirku saameeyay (SAWIRRO)

Madaxweynnaha Iran, Hassan Rouhani, ayaa maanta booqasho ku tagey Magaalaada Sarpol-e-Zahab ee Gobolka Gobolka Kermanshah, ka dib markii uu Axadii ku dhuftay dhulgariir xoogan.

Hay’adda Laanqayrta Cas ee Wadanka Iran, ayaa sheegtay in dhulgariirka ku dhuftay Galbeedka Iran ay ku dhinteen in ka badan afar boqol oo ruux. Sidoo kale waxay sheegtay in laba iyo toban kun oo guri ay ku burbureen. Dadka ay guryahoodu burbureen ayaa habeenkii labaad ku hoyday bannaanka, xilli qabow daran uu jiro.

Sarkaal u hadlay hay’adan, ayaa xaqiijiyay in gurmad la gaarsiiyay dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirkaasi, isagoo intaa ku daray inaanay Iran u baahnayn gargaar dibadda ah.

Madaxweynaha Iran oo dadka kula hadlayay Magaalada Sarpol-e-Zahab, ayaa sheegay in dowladiisu ay qaban doonto wax kasta, oo ay gaarsiin karto hawlaha gargaarka ee lagu samata-bixinayo dadka, ay dhibaatadu ka soo gaartay dhulgariirka.

Madaxweynaha, ayaa ballanqaaday in dowladiisu ay dib u dhisi doonto guryihii ku burburay dhulgariirka, sida ba’an u saameeyay Gobolka Kermanshah.

Dadka ay guryahoodu burbureen, ayaa waxaa loo sameeyay xeryo ay deggaan, iyadoona loo qaybiyay teendhooyin iyo bustayaal.

Shaqaalaha gargaarka samata-bixinta, ayaa waxay wadaan gurmad ay dhismooyinka hoostooda kaga baadigoobayan, bal haddii ay jiraan dad nool oo burburka ku hoos jira.

SHARE