Home Wararka Maanta Madaxii amniyaadka Shabaab ee Muqdisho oo la qabtay

Madaxii amniyaadka Shabaab ee Muqdisho oo la qabtay

Dowladda Federalka Somaliya ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay madaxii amniyaadka Ururka Al Shabaab u qaabilsanaa Gobolka Banaadir.

Wasiirka amniga Xukuumadda Somaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa si kooban u sheegay hawlgal ay sameeyeen ciidamada ammaanka inay ku soo qabteen ninkaan.

Wasiirka Amniga, ayaa magaca ninka la qabtay waxaa uu ku sheegay C/wahaab Khaliif Axmed (Ciise Tarabuun).

Saraakiil ka tirsan Hay’adda NISA, ayaa Dhacdo.com waxa ay u sheegeen hawlgal qorsheysan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho in lagu beegsaday Sarkaalkaan.

Saraakiisha NISA, ayaa Dhacdo.com u sheegay ninka la soo qabtay in lagu magacaabo C/waaxid Khaliif Axmed, iminkana ay ku socoto Baaris.

Sarkaalka la soo qabtay ayaa madax u ahaa amniyaadka dilalka qorsheysan ka gaysta magaalada Muqdisho ee Bistooladaha wax ku dila.

Dowladda Somaliya ayaa sare u qaaday xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho oo ciidamo la soo dhigay dhamaan Isgoysyada ku yaal Bartamaha caasimadda.

SHARE