Home Dhacdooyinka Madaxda Somaliya iyo Jabuuti oo kulan uu uga socdo Madaxtooyada Djibouti (SAWIRRO)

Madaxda Somaliya iyo Jabuuti oo kulan uu uga socdo Madaxtooyada Djibouti (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagey Magaalada Djibouti ee Xarunta Wadanka Jabuuti.

Madaxweynaha Somaliya oo ka tagey Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa waxaa Garoonka Magaalada Djibouti ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisal Wasaare C/qaadir Kaamil Maxamed, Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno kale.

Madaxda Somaliya iyo Jabuuti, ayuu xilligan shir gaar ahi uga socdaa Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Djibouti, iyagoona ka wada hadlaya arrimo ay ugu muhiimsan yihiin xiriirka labada dal, ammaanka iyo la dagaalanka Ururka Al Shabaab, iyadoo Jabuuti ay ciidan nabad ilaalineed ka jooggan Somaliya.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa goor dhow lagu wadaa in uu taggo Xarunta Baarlamaanka Jabuuti, isaga oo khudbad u jeedin doono Xildhibaanada Jabuuti.

Arbacada berrito, ayaa sida uu qorshuhu yahay waxaa lagu wadaa in Madaxweyne Farmaajo uu ka qaybgalo xaflad uu Madaxweyne Geelle xariga kaga jari doono deked cusub.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa waxaa booqashadan ku wehlinaya Wasiirada Arrimaha Dibadda, Qorshaynta, Gaashaandhiga, Amniga, Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo xubno kale oo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha.

Booqashadan, ayaa waxay noqoneysaa middii ugu horeysay uu Farmaajo ku taggo Jamhuriyadda Jabuuti, waxayna ka dhigan tahay booqashadiisii 9-aad oo dalalka dibadda uu ku taggo, tan iyo markii xafiiska loo doortay.

SHARE