Maandeeq Nuur (Wax la hubo ma heysaa) Official Song 2015

Waa hees cusub oo ay ku luqeyneyso Fanaanada Somaliyeed ee Maandeeq Nuur Garaash, oo ku nool Qaaradda Yurub. Heestan oo loogu magac daray (Wax la hubo ma heysaa), ayaa soo jiidatay dhegaha bulshada Somaliyeed.

Heestu waxaa sameeyay Abwaan Xamza Xubi, waana laxankii iyo codkii Fanaaada Maandeeq Nuur Garaash, muusikadana waxaa u garaacay Bashiir Hanuuniye.

Nuxurka heesta, ayaa ah mid ka hadleysa Fanaaniinta iyo Abwaanada Somaliyeed ee maanta jira. Waxayna dadka dib u xusuusineysaa hannaankii quruxda badneyd ee Hoboladii Walaalaha Waaberi Somaliya (Berri samaadkii).

Duducda hore ee heesta, ayaa ah “Heesaa heer lagama gaaro, hadaan Hiba Nuura iyo Daleys hooyadii fankaa, Hanuuniye iyo Samatar hagaag loo raaci karin.”

Duducda dhexe ee heesta, ayaa ah “Halkuu Cabdi Dhuux maray iyo  Hadraawi iyo Mustafa Sheekh, halyeeygii Sangub ahaa, humaag baala doonayaa, haddii kale hadalka daayee.”

Waxaa heesta dhextaal looga dhigay “Horumarkii Waaberi laheyd, habkii Iftin iyo Horseed, sidii Heegan oo kale, hadaba waxba laguma heysan, hoobee waxba laguma heysan.”


Nagala soo xiriir
dhacdo@gmail.com ama
dhacdo@hotmail.com