Lix qof oo ku dhimatay dagaal ka soo cusboonaaday Magaalada Caabudwaaq

Ugu yaraan lix qof, ayaa ku dhimatay, halka afar kalana ay ku dhaawacantay, dagaal beeleed galabta ka dhacay Magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Dagaalkan, ayaa ka dhashay markii maleeshiyaad hubeysan ay manta magaaladaasi ku dileen nin dhalinyaro ahaa, oo ka soo jeeda mid ka mid ah beelaha wada dagaalamay.

Dagaalka, ayaa wuxuu si iskiis ah uu u istaagay Maqribnimadii caawa, xilli aysan jirin cid soo kala dhex gashay labadaasi beelood. Labada beelood ayaa la dareemayaa in abaabul ka wadaan halkaasi.

Suxufiyiinta ka hawlgala Magaalada Caabudwaaq, ayaa soo sheegaya in dagaalkan uu u dhaxeeyo beelo aan ahayn, kuwii billihii la soo dhaafay ku dagaalamaayay magaalada.

Odayaasha iyo wax-garadka ku dhaqan Magaalada Caabudwaaq, ayaa baaq deg deg ah ka soo saaray dagaalkaasi, iyagoona caawa labada beelood ugu baaqay in ay joojiyan dhiilada colaadeed.

Caabudwaaq waxaa ku soo noq noqday dagaalada u dhaxeeya beelaha, tiiyoo aanay jirin cid si rasmi ah ugu istaagtay heshiisiintooda. Maamulka Galmudug ayaa lagu dhaliilay in uu ka gaabiyay xal u helidda dagaalada Caabudwaaq.


Nagala soo xiriir
dhacdo@gmail.com ama
dhacdo@hotmail.com