Home Wararka Maanta Kulanka Baarlamaanka oo furmay & Fahad Yaasiin oo markii ugu horeysay tagay...

Kulanka Baarlamaanka oo furmay & Fahad Yaasiin oo markii ugu horeysay tagay Golaha

Xarunta Golaha Shacabka Somaliya, ayaa waxaa ka furmay Kulanka Baarlamaanka ee amniga ku saabsan, kaasi oo Su’aalo looga waydiinaayo Madaxda Hay’addaha ammaanka ee dalka oo maanta ku xaadiray Xarunta Golaha Shacabka.

Wasiirka Amniga Somaliya, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyeyaasha Ciidamada Booliska, Xoogga dalka iyo Agaasimaha Hay’adda NISA  Fahad Yaasiin ayaa ku sugan madasha kulanka Golaha Shacabka ee Su’aalo waydiinta ay ka socoto.

Markii ugu horeysay kulanka Golaha Shacabka Somaliya maanta waxaa ka qayb galaya Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin oo todobaadkii la soo dhaafay kulankii Sabtida buuqa ku dhamaaday ka maqnaa xarunta Golaha Shacabka oo aanan xaadirin, balse maanta u xaadiray u yeerinta Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo furay kulanka ayaa sheegay Xildhibaano gaaraya 150 Xildhibaan inuu ku furmay Kooramka xubnaha Golaha Shacabka, kadib saacad la sugaayay inay soo xaadiraan Xildhibaanada oo kooramka uu soo buuxsamo.

Kulanka oo hadda ka socda Xarunta Golaha Shacabka ayaa waxaa banaanka loo soo saaray dhamaan Shaqaalaha Xarunta Golaha, sidoo kalena waxaa la damiyay taleefoonada gacanta ee Xildhibaanada ay wataan, halka wararka qaarna ay sheegayaan gaari uu wato Fahad Yaasiin oo qalab ay ku xiran yihiin in anteeno la’aan ay dhigeen Taleefoonada Xildhibaanada wataan.

Saxaafadda ayaa loo diiday maanta kulanka inay ka qayb galaan, maadaama laga hadlaayo arrimaha ammaanka oo Xildhibaanada ay Su’aalo ka waydiinayaan Masuuliyiinta arrintaasi ay quseyso.

SHARE