Home Wararka Maanta Kulan Muqdisho ku dhexmaray Guddoomiyeyaashii ugu dambeeyay iyo midka hada ee Golaha...

Kulan Muqdisho ku dhexmaray Guddoomiyeyaashii ugu dambeeyay iyo midka hada ee Golaha Shacabka

Waxaa magaalada Muqdisho kullan xasaasi ah ku yeeshay gudoomiyayaashii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha haatan ee golaha Shacabka, waxa ayna kullankooda kaga doodeen doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sheekh Aadan Madoobe, Prof. Mohamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo dhamaantooda ka soo jeeda Maaamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kullankooda kaga hadlay in ay muhiim tahay in doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay tahay in ay u dhacdo si cadaalad ah oo danaha shacabka maamulkaasi ku jirto.

Waxa ayna kullankooda ka soo saareen qodabadaan hoos ku xusan:-

In ay ka dhacdo Doorasho Xur iyo Xalaal ah.

In aysan jiri doonin qof gaar ah oo laga reebayo Doorashada.

Ciidanka Xamar laga rarey in ay tahay qalad.

Doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa ku sii jeeda indhaha Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ka soo jeeda maamulkaasi waxaana laga dhawr sugayaa sida ay wax u dhacaan.

SHARE