Home Wararka Maanta Koox hubeysan oo caawa dil ka geysatay Magaalada Muqdisho

Koox hubeysan oo caawa dil ka geysatay Magaalada Muqdisho

Koox hubeysan ayaa caawa Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan aagga Saldhigga Degmadaasi waxa ay ku dileen nin la sheegay inuu ahaa dadka deegaanka.

Ragga dilka geystay oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa qeybta sare ee jirka ka toogtay qofkan oo magaciisa lagu soo koobay Daashow.

Ciidamada ammaanka ayaa tagay aagga uu dilka ka dhacay, markii ay baxsadeen raggii dilka geystay oo ilaa hadda aanan la garaneyn halka ay ka tirsan yihiin.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay inay ku daba jiraan raggii dilka u geystay qofkan oo la sheegay inuu ahaa shacab.

Hay’adaha ammaanka ayaa bilaabay baaritaan ku aadan dilkan dhacay iyo sidii looga daba tagi lahaa raggii dilkan geystay.

Maalmahan dambe ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid degan, bacdamaa ciidamada ammaanka ay si joogto ah u shaqeeyeen.

SHARE