Home Wararka Maanta Isbuurasho ka dhalatay Muxaadaro lagu qaban lahaa magaalada Muqdisho

Isbuurasho ka dhalatay Muxaadaro lagu qaban lahaa magaalada Muqdisho

Kummanaan shacab ah oo isugu jira Rag iyo Haween ayaa maanta isugu soo baxay magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhaw igoyska KM4.

Dadkan ayaa ujeedadooda waxa ay aheyd inay ka qeyb galaan dhageysiga Muxaadaro cinwaankeeda uu ahaa “Cafi walaalkaaga” oo Sheekh Kenyaawi uu ku qaban lahaa hoolka Sahal oo ku yaalla wadada aada Garoonka Diyaaradaha.

Dadka oo aad u badnaa darteed ayaa sababtay in halkaasi ay isbuurasho ka dhacdo, iyada oo halkaasi dad badan ay waxyeelo ka soo gaartay, ugu dambeyna ay sababtay in la baajiyo muxaadarada.

Sidoo kale askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa rasaas uu furay waxaa ku dhaawacantay ilaa Saddex Dumar ah, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Ciidanka ammaanka ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan askariga rasaasta furay, waxaana la geeyay mid ka mid ah xarumaha baarista ee Dowladda.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in uu codsaday baajinta Muxaadaradda, maadaama dadkii la filayay kuwo ka badan ay soo xaadireen goobta oo isbuurasho ay ka dhacday.

“Dadweynaha ka soo qeyb galay muxaadarada Sheikh Kenyaawi waxaan u sheegaynaa in goobta muxaadarada loogu tala galay inay ka dhacdo iyo tirada dadka raba muxaadarada inay is qaadi waysay sidaas daraadeed anaggoo oo fiirinayna Amniga iyo nabadgalyada dadkaas waxaan Sheikha ka codsanay in la baajiyo muxaadarada iyo inaan goob ka weyn Hoolka Sahal aan ugu qaban doono shacabka Muxadaradiisa jecel”. ayuu yiri Guddoomiye Tuulax.

Maalmahan ayaa waxaa aad loogu hadal hayay baraha bulshada muxaadaradan oo maanta ku beegneyd qabashadeeda.

SHARE