Home Wararka Maanta Kenya oo ka digtay weeraro cusub oo Shabaab ay fuliyaan

Kenya oo ka digtay weeraro cusub oo Shabaab ay fuliyaan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay jirto cabsi ku aadan in Shabaab ay weeraro ka gaystaan gobolka Waqooyi  Bari dalka Kenya, inta lagu guda jiro maalmaha Ciidul Fidriga ee fooda inagu soo heysa.

Afhayeenka Boliska Kenya, Charles Owino ayaa warbaahinta gudaha ee dalkaasi u sheegay in shacabka la farayo inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, islamarkaana ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si looga hortago qataraha Shabaab.

Charles Owino ayaa sheegay in ciidamo badan ay geeyeen dhulka keymaha oo laga cabsi qabo in Shabaab ay weeraro ka geystaan, isaga oo ciidanka ammaanka ka dalbaday in ay ka feejignaan dheeri ah ka galaan weerarada Shabaab.

Waxay dowladda Kenya ay si gaar ah ugu digtay dadka aan Kenyan-ka ahayn ee ku sugan Mandhera si aanay dhibaato usoo gaarin, maadaama suuragal ay tahay in Shabaab ay bartilmaameedsadaan dadkaasi.

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxay dowladda Kenya ay shacabkeeda uga digaysay inay weeraro ka geystaan deegaanno ka mid ah dalkaasi, dagaalyahanada Al-Shabaab.

Shabaab ayaa weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya waxaa u soo abaabulo dhalinyaro Kenyan ah, kuwaasi oo kala garanaya gudaha dalka Kenya.

SHARE