Home Wararka Maanta Kenya oo gacanta ku dhigtay Shabaab weeraro ka fulin rabay dalkaas

Kenya oo gacanta ku dhigtay Shabaab weeraro ka fulin rabay dalkaas

Ciidamada Kenya ayaa gacanta ku dhigay 4 nin oo ay sheegeen inay qorsheynayeen weeraro ay ka fuliyaan Magaalada Nairobi maalmaha Ciida.

Ciidanka gaarka ah ee la dagaalanka argagixisada Dowladda Kenya ayaa deegaanka Boi ee Magaalada Mombasa ku qabtay 3 Nin oo ay sheegeen inay abaabulayeen weeraro ay maalinta ciida ka fuliyaan Magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya.

Booliska Kenya ayaa baahiyey Sawirada iyo magacyada raggan ay ku qabteen hawlgalka ay ka sameeyeen Magaalada Mombasa, waxaana lagu kala magacaabaa Ragga ay gacanta ku soo dhigeen Yaxye Saalim Bakaari oo Macalin ka ahaa Masaajidka Majalis ee xaafadda Kikambala, Jirius Mwanzi iyo Cabdalle Ramadaan,Booliska ayaa sheegay in raggani ay ka soo carareen Magaalada Nairobi.

Ciidamada la dagaalanka argagixisada Kenya ayaa u dhacay guryo ay raggani ka daganaayeen deegaanka Boi,Ciidanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay Maxamed Nguzu oo isna ay sheegeen inuu qayb ka yahay shabakadda qorsheynaysay inay weerarada ka fuliyaan Magaalada Nairobi.

Booliska Kenya ayaa sheegay inuu ka baxsaday Nin shanaad,waxayna tilmaameen inay su’aalo weydiinayaan ragga ay hayaan oo ay sidoo kale ku eedeynayaan inay Askar u qorayeen Al-shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa gudaha Kenya ka fuliyay weeraro uu dhiig badan ku daatay.

Dhawaan Saraakiisha Shabaab ayaa tababar u soo xiray xubno Kenyan ah oo Shabaab ka tirsan, kuwaasi oo dagaal la galaya dalka Kenya.

SHARE