Home Dhacdooyinka Jawaabtii Ciidamada Dowladda ka bixiyeen weerarkii Otto Otto (SAWIRRO)

Jawaabtii Ciidamada Dowladda ka bixiyeen weerarkii Otto Otto (SAWIRRO)

Inkastoo Ciidamada Dowladda Somaliya ay ku guuldareystaan in ay ka hortaggaan weerarkii maanta lagu galay Xarunta Otto Otto ee Magaalada Muqdisho, isla-markaana ay degan yihiin Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayay ciidamadu u suurtagashay in muddo kooban ay ku soo afjaraan raggii weerarkaasi soo qaaday.

Weerarkan oo masuuliyadiisu ay sheegatay Al Shabaab ayaa ku bilowday baabuur miineysan, iyadoo daqiiqad ka dibna ay dabley hubeysan gudaha u gashay xaruntaasi.

Ciidamada Dowladda ayaa toogasho ku dilay saddex nin, kuwaa oo ka mid ahaa raggii soo weeraray Dhismaha Otto Otto, oo kaabiga ku haya Isgoyska Sayidka. Ciidamada Dowladda ayaa sidoo kale Xarunta Otto Otto ka soo badbaadiyay masuuliyiin kala duwan oo ku xanibnaa. Masuuliyiinta halkaasi laga soo saaray waxaa ka mid ah Wasiir Kuxigeenka Amniga Somaliya, C/naasir Saciid Muuse.

Intii Ciidamada Dowladda ku guda jireen soo afjaridda weerarkaasi ayaa waxaa bannaanka hore ee dhismahaasi laga maqlay qarax labaad, kaasoo ka dhashay gaarigii Shabaabka goobtaasi ku yimaadeen, oo wadada dhinaceeda looga tagey.

Weerarkan ayaa galaaftay nolosha dad tiradoodu lagu sheegay 15 qof iyo dhaawaca tiro kale, iyadoo dadka dhintay ay ku jiraan askar iyo shaqaale dowladeed.

Shabaabkii weerarkan soo qaaday ayaa ku labisnaa Dareyska Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA). NISA oo ay adag tahay in dareyskeeda uu bannaanka u baxo ayaa la isweydiinayaa sida uu ku galay gacanta Shabaab.

Inkastoo NISA iyo Shabaab ay ku kala duwan yihiin u adeegidda qaranka ayaa waxay dhanka kale wadaagaan maryaha madow ay wejiyada ku qarsadaan. Waxaana la fahamsan yahay in NISA ay ku jiraan xubno horey uga soo goystay Al Shabaab. 

SHARE