Home Wararka Maanta In ka badan 40 ruux oo ku sumoobay caano ay cabeen deeganada...

In ka badan 40 ruux oo ku sumoobay caano ay cabeen deeganada Puntland

Qaar ka mid ah dadka ku nool deegaanka Ceeldaahir ee Gobolka Sanaag, ayaa ku sumoobay caano ay cabeen, qaarkoodna ay raashinka ku darsadeen sida ay xaqiijiyeen dhaqaatiirta Isbitaalka Degmada Carmo.

Faadumo C/laahi Cadde oo ah Maamulaha Isbitaalka Degmada Carmo, ayaa sheegtay in lagala soo xiriiray deegaanka Ceeldaahir oo loo sheegay dadka badan inay liitaan, kadib markii ay ku baxeen oo dhaqaatiirta dadkaasi ay keeneen Magaalada baaris kadib la ogaaday caano sumeysan inay cabeen.

Waxa ay sheegtay 45 ruux inay yihiin dadka caanaha cabay, qaarkoodna raashinka ku cunay waxayna sababta ku sheegtay caanaha oo ku jiray Caagado, laguna keenay hal gaari.

Xaaladda Caafimaad ee dadka caanaha ku sumoobay ayeey sheegtay qaarkood inay wanaagsan tahay oo ay la tacaaleen caafimaadkooda, balse ay jiraan dadka qaar oo liita, laakiin ma aysan sheegin cid u geeriyootay dhibaatadaasi dhacday.

Caagadaha lagu shubo caanaha miyaga laga qaado, ayaanan inta badan si wanaagsan loo nadiifin, waana sababta keentay in caagado qaar oo laga daadiyay Kiimiko in caano la isaga shubo, kadibna dadka ay iska cabaan.

Dhawr mar ayaa sidan oo kale Gobolada dalka Somaliya ay ka dhacday oo dhibaato kala duwan dad xoolo dhaqato reer miyi ah ku sumoobeen caano ay ku shubeen caagado aanan si wanaagsan loo hubin.

SHARE