Ilka Case Qays oo soo qaaday hees cusub, oo jawaab u ah heestii Farxiya Fiska ee (Iga Quuso)

Hobolka Ilka Case Qays oo ka mid ah Fannaaniinta Somaliyeed ee Waqooyiga Mareykanka ku nool, ayaa waxa uu soo qaaday hees cusub, oo loogu magac daray (Game Over).

Game Over waxay jawaab u tahay heestii Farxiya Fiska ay soo qaaday bilowgii toddobaadkii, oo loogu magac daray (Iga Quuso). Iga Quuso waa hees daadis ah, si sax ahna looma garanayo cidda ay ku socoto.

Heesta Game Over, ayaa waxaa miraheeda sameeyay Abwaan Maxamed Owdoon. Waxaana muusikada u tumay Qaasim Maxamed Karaama.

Daawo heesta Game Over


Nagala soo xiriir
dhacdo@gmail.com ama
dhacdo@hotmail.com