Home Wararka Maanta Hoobiyayaal ku soo dhacay Madaxtooyada Somaliya.

Hoobiyayaal ku soo dhacay Madaxtooyada Somaliya.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in tiro madaafiic ah lagu garaacay nawaaxiga madaxtooyada Somaliya.

Warar isqilaafsan ayaa ka soo baxaya tirada Madaafiicda la maqlay, Wararka qaar waxa ay sheegayaan in 3 Hoobiye soo dhacday halka warar kalana ay sheegayaan in Madaafiicda la maqlay ay ahaayeen laba Xabo.

Goobjoogayaal ayaa inoo sheegaya in hoobiyayaasha mid uu ku dhacay Madaxtooyada Somaliya halka kan kalena uu ku dhaay dhabarka danbe ee Tiyaatarka Qaranka.

Waxaa jiro Khasaare ka dhashay Hoobiyayaasha goordhow ku soo dhacay qeybo kamid ah degmada Wardhiigleey, Saraakiisha caafimaadka ayaa inoo sheegay in dad dhaawacyo ah ay ka qaadeen goobaha ay Madaafiicda ku soo dheceen.

Muqdisho ayaa laga maqlayaa dhawaqa gaadiidka Gurmadka degdega ee AMbullanceka oo qaadaya dadka dhaawacyada soo gaaray.

Laamaha amniga ayaan wali ka hadlin madaafiicda ku soo dhacday caasimada oo laga soo tuuray isla Magaalada Muqdisho.

Degmada wardhiigleey ayaa joogto u ah madaafiicda Shabaabka ay ku soo tuuraan Madaxtooyada Somaliya.

SHARE