Home Wararka Maanta Hoggaamiyeyaasha Diimaha oo ku baaqay midnimo, kadib qaraxii Sri Lanka

Hoggaamiyeyaasha Diimaha oo ku baaqay midnimo, kadib qaraxii Sri Lanka

Iyadoo dalka Sri Lanka ay dhowaan ka dhaceen falal argagixiso ah oo ay wax ku noqdeen dad badan,ayaa waxaa jira kulan ay soo abaabuleen hoggaamiyaasha diimaha oo looga hadlay sidii loo heli lahaa midnimo guud iyo xasilooni lagu soo dabbaalo dalkaasi.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen safiirro ka kala socda dlalka muslimka ah,hoggaamiyaasha diimaha dalka Sri Lanka iyo hoggaamiyaha Kaniisadda  Katooligga,waxaa lagu  baaqay in la muujiyo deganaan,isla markaana lala yimaado iscafin iyo wax wada qabsi.

Boqolaal muslimiin ah ayaa ka cararay deegaanka Negombo on dhaca xeebaha galbeed ee dalkaasi, halkaasi oo qaar ka mid ah weerarada aargoosiga ah ay ka dhaceen .

Maalinimadii Axadda ee la soo dhaafay waxaa qaraxyo argagixiso ah lala beegsaday Hoteello iyo Kaniisado ku yaalla dalka Sri Lanka, waxaana ku dhintay in ka badan 3-boqol oo ruux.

Dowladda ayaa qiratay in ay ka gaabiyeen howshii loo idmaday, waxaana Madaxweynaha dalkaasi uu soo saaray waregto uu ku dalbanaayo in ay iscasilaan  taliyaasha ciidamada.

SHARE