Hees laga sameeyay weerarada sida joogtada ah kaga dhaca Magaalada Muqdisho

Heestan oo loogu magac daray (Horta Yaa Masuul ka ah?), ayaa waxay ka hadleysaa qaraxyada sida joogtada ah kaga dhacaaya Magaalada Muqdisho, misena ay waxyeelada ballaarani ka soo gaareyso dadka shacabka ah.

Heestu waxaa sameeyay Jooqle Shire Jaamac, laxankana isaga ayaa leh, muusikadana waxaa u tumay Maxamed Karaama. Waxaana ku luqeynaaya Jooqle Shire, waana jiibintii/ hooriskii Xuseen Shire Jaamac, Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar Jecel) iyo Cabdi Ciid Macalin Aw Cali.

Ereyada heesta, ayaa waxaa ku jira su’aasha joogtada noqotay ee dadku isweydinayan, ee ah halka ay wax ka khaldan yihiin, bacdamaa ay wax joogto ihi noqdeen qaraxyada gilgilaaya Magaalada Muqdisho.

Ururka Al Shabaab oo ka soo horjeeda jiritaanka Dowladda Federalka Somaliya iyo joogitaanka Amisom ee dalka, ayaa sheegta masuuliyadda weerarada ka dhacaaya Xarunta Somaliya.

Daawo: Horta Yaa Masuul ka ah


Nagala soo xiriir
dhacdo@gmail.com ama
dhacdo@hotmail.com