Home Dhacdooyinka Hees cusub oo loo sameeyay Ciidanka Difaaca Somaliya (Daawo Video)

Hees cusub oo loo sameeyay Ciidanka Difaaca Somaliya (Daawo Video)

Waa hees cusub oo waddani ah, isla-markaana uu dareen xamaasad leh uu ku laran yahay. Heestani waxaa loo qaaday Ciidanka Difaaca Somaliya, waana mid lagu guubaabinaayo.

Heesta oo loogu magac daray (Ogoow Dhulka Hooyo), ayaa waxaa sameeyay Abwaanka weyn ee Somaliyeed Maxamed Xuseen (Awliyo Dadweyne). Waxaana laxanka saaray Jooqle Shire Jaamac, muusikadana waxaa u tumay Maxamed Karaama.

Sidoo kale waxaa ku wada luqeynaaya hobolada kala ah Xuseen Shire Jaamac iyo Jooqle Shire Jaamac. Waxaana iskusoo duba-riday Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar Jacel).

Ogoow Dhulka Hooyo, waa hees dareenkaaga kicineysa, isla-markaana aynaan ka daalleen dhegahaaga, dhageysiga heestaasi.

Daawo Heesta: Ogoow Dhulka Hooyo

SHARE