Home Wararka Maanta Hay’adda NISA oo sheegtay inay Muqdisho ku qabatay xubin ka tirsan amniyaadka...

Hay’adda NISA oo sheegtay inay Muqdisho ku qabatay xubin ka tirsan amniyaadka Al Shabaab

Taliska ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa wuxuu sheegay inuu gacanta ku dhigay nin ka tirsan Ururka Al Shabaab, kadib hawlgal gaar ah oo ka dhacay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Warka NISA ayaa lagu yiri “Ciidamada Amniga ayaa xubin Amniyaat-ka Alshabab ah kusoo qabtay howlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen degmada Heliwaa habeynimadii 13-ka Sabtember, 2018. Howlgalka cidi wax kuma noqon, hadii aad hesho xog ku saabsan AS, lasoo xariir ciidanka Amniga”.

SHARE