Home Wararka Maanta Gudoomiyaha Baarlamaanka oo maanta ku wajahan Magaalada Baydhabo

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo maanta ku wajahan Magaalada Baydhabo

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Golaha Shacabka Somaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan uu ku wajahan yahay Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Baydhabo waxaa ka socda Shirka u dhaxeeya Golaha Iskaashiga dowlad Goboledyada dalka ka jira, shirkaasi oo dareen ku abuuray dowladda Federalka Somaliya.

Inkastoo maalintii shalay uusan qabsoomin wax shir ah, sabab illaa hadda aanan la ogeyn ayaa haddana wararka waxa ay sheegayaan in sababta Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya uu u tagaayo Magaalada Baydhabo ay la xiriirto arrimaha Shirkaasi.

Madaxda Dowlad Goboledyada dalka ka jira ayaa maalintii Koowaad Shirka uu uga furmay Magaalada Baydhabo, waxa ay dhaliil kala dul dhaceen dowladda Federalka Somaliya oo ay u jeediyeen eedeymo kala duwan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Mursal marka uu tago Magaalada Baydhabo, ayaa maanta wuxuu kulamo kala duwan la qaadan doono madaxda halkaasi ku sugan.

Khilaaf u dhaxeeya dowladda Federalka Somaliya iyo dowlad Goboledyada dalka ka jira, ayaa ka taagan iyadoo Maamulada Puntland iyo Jubbaland khilaafka dowladda dhexe kala dhaxeeya uu noqdo mid banaanka u soo baxay.

SHARE