Home Wararka Maanta Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka oo qabtay Dacwad ka dhan ah Madaxweynaha...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka oo qabtay Dacwad ka dhan ah Madaxweynaha Hirshabeelle

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa qabtay Dacwad ka dhan ah Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Dacwadan ayaa waxaa Maxkamadda Sare ee dalka u gudbiyay 11 xubnood oo ka mid ahaa Wasiiradii hore ee Hirshabeelle.

Xubno ka tirsan kuwa Dacwada gudbiyay ayaa waxa ay sheegeen in Dacwada ay la xiriirto inay ka maqan tahay xaquuq mushaari ah oo aysan dhawr bilood qaadan.

Dacwadan oo soo martay heerar kala duwan ayaa shalay gaartay Maxkamadda Sare ee dalka, iyada oo ugu dambeyn Isniinta la guda geli doono Dacwada.

Ilaa hadda wax kama aanu soo bixin Madaxweynaha Hirshabeelle iyo kuxigeenkiisa oo eedeyntan ay sida tooska ah ugu socoto.

SHARE