General Indhacade: Shabaab waxa keliya ee looga guuleysan karo waa dagaal

General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade), ayaa waxaa uu sheegay in Ururka Al Shabaab looga adkaan karo oo keliya in lala dagaalamo, maadaama ay colaado hurinayaan.

General Yuusuf Maxamed Siyaad, ayaa sheegay inuu aqoon durugsan u leeyahay Ururka Al Shabaab, isla-markaana looga adkaan karo dagaal oo qura, haddii la doonaayo in la soo afjaro mintidiinta.

“Al Shabaab aqoon badan baan u leeyahay, tabtoodaan aqaanaa, fadhigoodaan aqaanaa, istaagoodaan aqaanaa, dhaqankoodaan aqaanaa, waxa ay ku taamayaanaa aqaanaa. Al Shabaab waxa keliya ee looga guuleysan karo waa dagaal.” Ayuu yiri General Yuusuf Maxamed Siyaad.

Waxaa uu tibaaxay inaanan Al Shabaab looga adkaan karin in la soo dhaweysto, cafis loo fidiyo iyo in dhaqaalo la siiyo, bacdamaa waxa ay ku taamayaan uu yahay dagaal oo keliya.

“Cafis dowlad ay u fidinayso, dhaqaalo la siiyo, in leesku jabiyo, soo dhaweysasho, wada hadal, ayaysan ahayn waxa looga guuleysan karo.” Ayuu yiri General Indhacade.

General Indhacade, ayaa hoosta ka xariiqay in Shabaabku uusan u muuqan wax aan dagaal ahayn, loona baahan yahay in lagu wajaho dagaalka ay u caaboon yihiin.

“Al Shabaab waxa keliya ay rabaan waa inay xoog wax ku maquuniyaan, waxyaabaha kale oo dhan uma jeedaan. Qofkuna waxa uu rabo inuu wax ku sameeyo waa in wax lamida loogu jawaabo.” Ayuu yiri General Indhacade.

General Indhacade, ayaa Axadii Dowladda Somaliya ku eedeeyay inay ka gaabinayso la dagaalanka Al Qaacidada Somaliya, oo ah awoodda keliya ee dagaalka kula jirta Dowladda Dhexe, Maamul Goboleedyada iyo weliba Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Jananka, ayaa ka carooday weerarkii ismiidaaminta ee shalay kooxda ku xiran Al Qaacidda, ay ku dishay Taliyihii Guutada 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale). Jananka waxaa uu Villa Somalia uu ku dhaliilay in ay dayacday General Goobaale.

 


Nagala soo xiriir
dhacdo@gmail.com ama
dhacdo@hotmail.com