Home Wararka Maanta Ganacsade warbixin ka gudbiyay nin ka tirsan Shabaab oo lagu dilay Muqdisho

Ganacsade warbixin ka gudbiyay nin ka tirsan Shabaab oo lagu dilay Muqdisho

Xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa galabta Ex-control Afgooye waxa ay ku dileen nin goob Ganacsi ku lahaa halkaasi.

Laba nin oo ka tirsan Shabaab kuna hubeysnaa Bastoolado ayaa toogtay ninkan oo ku sugnaa goobtiisa Ganacsi, isla goobta ayuuna ku ruq baxay.

Raggii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday kahor inta aysan halkaasi soo gaarin ciidanka ammaanka oo sameeyay baaritaan aanu jirin wax ka soo naaso cadaaday.

Ilo wareedyo ayaa inoo sheegay sababta ninkan loo dilay inay aheyd kadib markii maalmo kahor warbixin uu u dusiyay ciidanka ammaanka lagu soo qabtay nin Shabaab ka tirsan oo sahmin ka sameyn jiray aagga Ex-control.

Ehelada marxuumka la dilay ayaa sheegay in wiilkooda ay dishay gacan ka xaq daran, islamarkaana loo baahan yahay in dabagal lagu sameeyo.

Dhanka kale meel ku dhaw Ex-control Afgooye ayaa waxaa ka dhacay Qarax Miino, oo aan geysan wax khasaare ah, maadaama uu qaraxa dhacay markii uu gudbay gaariga bartilmaameedka ahaa oo halkaasi maray.

Maanta keliya waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay dhawr dhacdo oo ammaanka ka baxsan, bacdamaa ciidanka dowladda ay toogteen Shabaab dhaawacay askari iyo in Hay’adaha amniga ay qabteen nin qarax ku xiray gaari ku qarxay Shaneemo Somaliya oo ku taalla wadada Maka Al-Mukarama.

SHARE