Home Wararka Maanta Ganacsade Somaliyed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Ganacsade Somaliyed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa Magaalada Johanesburg ee dalka Koonfur Afrika waxa ay ku dileen muwaadin Somaliyed oo ganacsade ahaay.

Dilka ayaa wuxuu ka dhacay goobga ganacsiga ee uu lahaay muwadinkaasi Somaliyed, xilli Burcadda ay doonayeen inay dhacaan.

Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Nuur Dheere, waxaana uu ka mid ahaa Somalida ku ganacsata dalkaasi.

Burcadii dilka gaysatay oo sii bililiqaysatay alaabtii taalay dukaanka ayaa meesha ka baxdaday.

Dilalka loogu gaysto dhalinyarada Somalida dalka Koonfur Afrika ayaa sii kordhaya taasi oo qayb ka ah tacadiga ay la kulmaan dhalinyarada Somalida ee dalkaasi shaqada u jooga.

SHARE