Home Wararka Maanta Farmaajo oo si aan caadi ahayn loogu soo dhaweeyay Qardho (SAWIRRO)

Farmaajo oo si aan caadi ahayn loogu soo dhaweeyay Qardho (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda ee uu ku marayo qaybo ka mid ah gobolada dalka ayaa gaaray magaalada Qardho ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa si diiran waxaa Magaalada Qardho ugu soo dhaweeyay kumaan shacab ah, ka dib markii ay isugu soo baxeen wadooyinka iyo fagaare-yaasha, iyagoo ruxaya calanka dalka iyo sawirada madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa meel fagaare ah kula hadlay shacabweynaha isugu soo baxay soo dhaweyntiisa, waxa uuna ku ammaanay wadinayadda iyo rajada wanaagsan ee ay ka qabaan dalka.

“Walaalayaal soo dhaweyntiinna diirran waxa ay ka tarjumeysaa in aad tihiin dad dowladdooda jecel, anagana waxaa nagu ballan ah in aan idiin adegno. Idinkana waxaan idinka codsaneynaa in aad taagerdiina sii waddaan oo aad garab istaagtaan dowladdiina.” Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu dhagax dhigay dhismaha faraca Jaamacadda Umadda ee Magaalada Qardho, oo ay hirgelinayso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Wasiirro heer Federaal ah iyo heer Gobolleed, Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee dowladda Federaalka iyo masuuliyiin kale oo qeyb ka ah socdaaka nabadda ayaa waxaa qado sharaf u sameeyey Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo ku socdaalayey dhanka dhulka inta uu ku guda jiray safarkiisa maanta ayaa ku hakaday magaalooyin iyo deeganno ka tirsan Gobolada Nugaal iyo Bari, isagoo shacabka salaamayey xaaladahooda nololeedna ka waraysanayey

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Gaas ayaa dhagax dhigay wado isku xiri doonta Dangorayo iyo Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal, kahor intii aanay gaarin Qardho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa inta uu ku suganyahay Puntland waxa uu kulamo wadatashi la yeelan doonnaa qaybaha kala duwan ee bulshada. 

SHARE