FAALLO: Guddiyo doorasho oo ballan shaqo ku socon, Maxaa laga filan karaa? BY Abdiweli Garyare

 

Malaha markii aad aragtay ciwaanka qoraalkeyga, waxaa kugu soo dhacay isweydiimo badan. Waa sax isweydiimahaasi inay kugu soo dhaceen, waliba ay yihiin kuwa xaqiiqo kawaran ah, laakiin isku dhinac in aan ka joogno arrinta aan ka hadlayo iyo in aan kala dhinac ka joogno, waxay ku xiran tahay sida aad hadba u fakarto akhriste.

Ma ihi ruux kuu sheegaya wax aadan ogeyn, waxaanse ahay ruux ku xasuusinaya akhrite arrin madaxdaadu kugula ballantay oo aysan kasoo bixin. Adigan akhrinaya qoraalkeygana aadan madaxdaada kula xisaabtamin ballamaha muhiimka u ah doorashad oo ay ka baxeen!!.

Madaxda hoggaamisa madasha loo bixiyey “Wadatashiga” ayaa kulamo joogta ah waxay ku yeelanayeen magaalooyin kala duwan oo dalka ah, waxaase ugu muhiimsanaa midkii ka dhacay Baydhabo oo laga soo saaray “Jadwalka doorashada”, ii xasuusnow erayga ah “Jadwalka doorashada”. Maxaa yeelay waa halka aan rabo in aan wax badan kaa tuso.

Shirkaasi inta uu socday waxaa lagu kala diray guddigii doorasho ee muranka badan dhaliyey, maadaama ay ka buuxeen wasiiro dowlada dhexe ah iyo kuwa maamul goboleedyadda, waxaase dib laga soo magacaabay guddi doorasho oo ay ka muuqdaan lataliyayaashii iyo gacan-yarayaashii madaxda ku bahowday (Madasha wadatashiga Qaran). Taasi oo mar kale abuurtay walwal iyo cabsi laga qabo sida ay cadaalad u noqon karto doorasho ay maamulayaan guddiyo qaabkaasi ku dhisan, mana muuqato dariiq wax looga baddelayo.

madasha_qaran

Waxaa taasi barbar socda ifafaale muujinaya in doorashada aysan ku qabsoomi doonin xilliga loo qabtay, waana tuhun in badan shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ku jiray, balse ay madaxda xilka dowladeed heysa ka af-gobaadsanayeen, haddase ay u muuqato si farsamo ahaan ah inay u dhaceyso arrintaasi.

Jadwalka 3

MAXAY TAHAY SABABTA?

Jadwalka laga soo saaray Baydhabo ilaa hadda wax looga dhaqaaqay ma jiraan, marka laga reebo guddiga laga soo magacaabay xarumaha dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada. Sidoo kalana guddiyadaasi ma jiraan wax kulan ah oo ay ilaa hadda yeesheen, iskaba dhaaf inay doortaan guddoomiyayaashii kala hoggaamin lahaa si ay shaqada u bilaabatee.

Baaris aan sameeyey waxaan ku ogaaday in badi xubnaha ku jira guddiyadaasi inaysan dalkaba joogin, magacaabistoodana ay internetka un ku arkeen. Halkii laga doonayey saacadan aan qoraalkan qorayo inay shaqadii loogu cadeeyey jadwalkii Baydhabo ay ku jiraan!!. BAL ADBA!!.

Aniga oo ka duulaya habdhaqanka noocaasi oo kale ah, ayaa waxaa dhawaan sameeyey maanso la yiraahdo “Dalan-baabi”.Waxaana qeyb ka mid ah ay leedahay:

Waxaa dalan-baabi jira
Waxaa dow-xumo naqaan
Kuwaa dib jirkee na helay
Mise diihaal u qaba
Sideey noo dabar jaraan
Kuwiinaa la duubanoow
Dowladnima ka dhowrayoow
Dowgaas lagu doogi waaye
Dooraad meeshaad marteen
Ayaa dib u taagantiin.

MAXAA LAGU BALAMAY OO QABSOOMIN?

  1. Waxaa lagu balamay in 24-06-2016, la soo magacaabo guddigii khilaafaadka iyo xallinta wixii muran ah ee yimaada. Mana jirto ilaa hadda cid loo magacaabay guddigaasi. Waana ballan aan fulin midda ugu horeysa!!
  2. 26-29- bisha Juun ee la soo dhaafay waxaa ballantu aheyd in tababar loo furo guddiyada doorashada ee heer federaal iyo heer maamul goboleed, mana dhicin taasi, maxaa yeelay maba wada joogaan dalka, sidoo kalana nidaamkii tababar loogu furi lahaa ma muuqdo.
  3. 30-Juun-2016, waxaa qorshuhu ahaa inay guddiyada doorashada bilaabaan wacyigelinta dadweynaha Soomaaliyeed, si ay ugu diyaar noqdaan ka qeybgalka doorashada dad-ban, taasina ma dhicin, maxaa yeelay guddiyada laftooda ayaanba tababar iyo wacyigelin ku aadan waxa ay qabanayaan u qabsoomin.
  4. Sida ku cad jadwalkii Baydhabo, waxaa qorshuhu ahaa in 08-07-2016, guddiga doorashada isugu yeeraan odayaasha dhaqanka, kadibna ay ka dalbadaan inay soo magacaabaan eryooyinkii soo xuli lahaa xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale isla maalintan waxaa la iska rabay in la soo gudbiyo xubnaha AQALKA SARE. Taasina ma dhicin, maxaa yeelay guddiga doorashada maba uu diyaarsana qabashada howlahaasi horey loogu jideeyey. Waana dib u dhac kale.
  5. Maalintii ku xigtay oo aheyd 09-07-2016, waxaa la doonayey in la diiwaangeliyo musharixiinta Aqalka Sare, taasina warkeed ma yaal, oo madaxdii magacaabi laheyd maba joogaan dalka, oo qaar ayaa Nairobi maanta iska fadhiya.
  6. Waxaa shalay oo aheyd (10-07-2016) la iska rabay inay odayaasha dhaqanka soo gudbiyaan dhammaan ergooyinkii dooran laheyd xildhibaanada cusub ee Soomaaliya, kuwaasi oo dhan 13,750 ergo, mana dhicin taasi. Waxaa taasi barbar socday oo la iska rabay inay guddiyada doorashada maalintan oo kale diyaariyaan hanaankii codbinta lagu geli lahaa, sida warqadii codeynta iyo diiwaangelinta xubnaha mushariixinta, iyaddo lagu sii lamaaniyey qodob sheegaya in la xoojiyo wacyigelinta shacabka. Qodobkaasna ma fulin isagana.
  7. 14-15 oo ah bishan aan ku jirno ee todobaad waxaa jadwalkaasi qeexayaa in la dhageysan doono khudbadaha musharixiinta u taagan Aqalka Sare, taasi oo ay inaga xigto laba cisho, miyey dhici kartaa? Jawaabta waa maya, maxaa yeelay wixii ka horeeyey ayaanba soo qabsoomin.

Intaasi waxaa idin kusoo qaaday waa xasuusin wixii lagu ballamay iyo inaad fahantaan ujeedka qoraalkeyga aan uga hadlayo in “Ballan ku bilaabatay fashil inaysan guul ku danbeyn karin, waa haddii aan wax laga baddelin dariiqa lagu socdee”.

Jadwal1

Mar kale, maansada Dalan-baabi ee aan ka curiyey habdhaqanka madaxda maanta Soomaaliye iyo dariiqa inay wax ku raadinayaan, ayaa waxaa ka mid ah:

Hoggaankaan daalinkiyo
Dalaaliinta u dhiibanaaa
Dalowga inaga ridee
Dadweynow maantadaan
Miyaan dabinkiyo warmaha
Dalkeena ka dhowranaa?

Anigaa doojinoo aqaan
Anigaa daahiroo waxtara
Anigaa dib usoo unkami
Dilaacyada muuqdiyo
Kuwaan deymadu arkeyn
Haddii ay daldalahayaan
Duulow ha ka yeelinina
Dibnaha ay ka oranayaan’iyo
Maankoodaa kala duwane

Khiyaanada deriskiyo
Shisheeyaha dacarta wada
Ninka ay ka dadan yihiinee
Dagaalada sokeeyaha
Iyo dirirta maantadada
Daalacan inoo yiri
Maandeeq in loo diro
Daawana la naawilo
Maankeygu diid taas

CULEYSKA UGU WEYN XAGGEE KA JIRAA?

Waxaa uu ka jiraa madaxda madasha Qaran oo ka caga-jiidaya sidii doorashada ugu qabsoomi laheyd waqtiga loogu talagalay, maxaa yeelay in ka badan lix bilood ayey isugu soo noqnoqdaan oo u kulmaan doorasho aan tilaabo loo qaadeyn. Waxaana midkasta uu leeyahay dano siyaasadeed oo uu ka dhex raadinayo hannaanka doorashada 2016.

Gobollada qaar waxaa ka bilowday caburin saxaafadeed iyo cadaadis in la saaro siyaasiyiinta loo arko inay ka fikir duwan yihiin madaxda ku jirta madasha qaranka, waxaana tusaale inoogu filan Madaxweyne Xasan Shiikh oo ku tilmaamay mucaaradka dowladiisa yihiin “Cadowgiisa labaad”,intaasi ugama uusan harin, ee waxaa uu raaciyey inuu ula dagaalamayo sidii “Al-Shabaab oo kale”, taasina waxay abuurtay cabsi iyo walwal la soo dersay madaxda xisbiyadda dalka iyo siyaasiyiinta aan xisbiyadda ku jirin, balse doonaya inay qeyb ka noqdaan doorashda 2016.

Dhinaca kale, Madaxweyne Abdiweli Gaas ayaa dhankiis waxaa uu bilaabay in saxaafadda uu cadaadis saaro, waxaa uu xarig kula kacay Radio Daljir, waxaana uu xabsiga u taxaabay kuxigeenkii hore ee duqa magaalada Gaalkacyo, iyaddoo sidoo kale wasiirkiisa Warfaafinta uu saxaafadda ugu hanjabay in cidii aan nidaamkiisa raacin uu xiri doono!!. Waxaasi oo dhana waa sidii saxaafadda looga leexin lahaa dhaqdhaqaaqa siyaasiga ah ee ka socday magaalada Garowe, maadaama xilli doorasho lagu jiro.

Madaxweynaha Galmudug Abdikariim Guuleed, isaga waxaa uu la daalaa-dhacayaa duufaano siyaasadeed oo kasoo wajahay mucaaradka Galmudug, waxaana uu waqti badan gelinayaa sidii uu kursiga uu ku fadhiyo u badbaadsan lahaa, maadaama uu soo baxay war sheegaya in mooshin laga soo gudbiyey. Shalay oo u danbeysay waxaa uu markii ugu horeysay hor fariistay mucaaradka ugu adeg oo ay isaga iyo Madaxweyne Xasan Shiikh leeyihiin, lamana yaqaan waxa kasoo baxay oo ay isku raaceen.

jadwal2

DHAQAALE MA HEYSTAAN GUDDIYADDA DOORASHADA?

Sida ka muuqatay hadalka uu Madaxweyne Xasan Shiikh ka sheegay Universal TV, ma jiraan wax dhaqaale ah oo ay heleen, waxaase uu carabaabay inay beesha caalamka ka sugayaan, taasi oo muujineysa in dhammaan guddiyada heer maamul goboleed iyo heer dowlada dhexe aysan heysan wax dhaqaale ah oo ay kusii shaqo bilaabaan.

Dowlada Soomaaliya oo uu sheegay inay arrimahaasi wax ka qabaneysana si cad uma sheegin inay dhaqaale kusii bixinayaan, waxaase uu sheegay in dowlada iyo shacabka ay arrimaha dhaqaalaha doorashada lagu socon siinayo ka tashan doonaan!! Waase goorma xilliga laga tashanayo ? Ma waqti shacab iyo dowlada dhexe lacagta guddiga doorashada kawada hadlaan ayaa la joogaa? Maxaase haddii laga cabsanayo inaysan dhaqaale imaan horey shacabka loogu soo gudbin waayey arrintaasi ? BAL ADBA!!.

MAXAA MUUQDA HADDA ?

Waxaa cad in dib u dhac ay ku imaaneyso doorashada, maxaa yeelay waqtigii awalba yaraa ayaa haddana waxba lagu qaban. Waxaana iminka dhiman wax ka yar bil iyo bar, mana filayo in doorasho xalaal ah waqtigaasi yar lagu qaban karo howlaha baaxada leh ee aan waxba laga bilaabin.

Kulanka ugu soo horeeya ee madaxda madasha qarankana waxaa ay la gole imaan doonaan in waqti loogu daro doorashada, maadaama howsha ay baaxad weyn tahay. Taasina waa mid horey looga diiday dowlada, maxa yeelay waa waqti dheereysi aan sharci aheyn, horeyna waxaa arrintaasi u codsaday Ra’iisul wasaare Cumar Abdirashiid.

Beesha caalamka iyo xisbiyadda siyaasadda lama yaqaan waxa ay ka yeeli doonaan haddii si cad loo shaaciyo in waqti lagu dari doono xilliga doorashada, maadaama ay horey go’aano diidmo qayaxan ah uga dhiibteen.

BIL IYO MAALMO MAXAA LAGU QABAN KARAA OO XALAAL AH?

Waa su’aal muhiim ah, waana calaamad su’aal dul-saaran haddii aan waqti lagu kordhin xilliga doorashada waxaa la qaban karo, waliba lagu qaban karo bil iyo maalmo.

Dadka ku xeeldheer arrimaha siyaasada, gaar ahaan dalalka soo koraya ee uusan fadhin hannaankooda doorashada ee cadaalada ah ayaa waxay qabaan inay dhici karto wax isdaba-marin xooggan, maxaa yeelay waqti lagu kala hufo qaladka iyo saxa lama helayo, waxaana ay madaxda howsha faraha kula jirta cudurdaar ka dhigan doonaan inuu waqtigu ku yar yahay, sidaasi darteedna waxkasta ay dhici karaan, balse ay muhiim tahay in doorashdo dhacdo.

Sidaasi darteed, waa wax adeg in waqtigaasi lagu soo magacaabo 13,750 ergo,kuwaasi oo soo xuli doona 275 xildhibaan, sidoo kalana 54 xubnood oo aqalka sare ay baarlamaanada maamul goboleedyada ku soo doortaan, iyaddoo howshaasina ay wada qabanayaan hal guddi oo ah guddiyadda maamul goboleedyada, kadibna doorashadii madaxweynaha iyo midii guddoonka baarlamaanka la isugu yimaado Muqdisho.

Ma doonayo in aan ku niyad-jabiyo akhristow, waxaanse rabaa in aan kuu iftiimiyo xaqiiqda. Aniga oo raba inaad doorashada wixii ka qaldama aad ogaatid meesha ay kasoo bilowdeen iyo cidda mas’uuliyaddaasi qaadi doonta. Dalkana mucaarad iyo muxaafid waa ka dhexeeyaa, ee yeysan naga noqon haddii waxa qaloocan la tilmaamo “Madaxda ayaa loo socdaa”, balse ha loo dhigo gadalka “Toosinta dalka iyo dadka ayaa loo socdaa”.

Waxaan rabaa in aan kusoo afmeero qoraalkeygan is xasuusinta ah qeybo ka mid ah isla maansada dalan-baabi, taasi oo ah dardaaran walaalnimo iyo raadinta dowga dowladnimo oo aanan iminka heyn.

Hadalkeyga dulucdiisiyo
Murtideyda dabataal
Waxba yaanan darafkiyo
Daafaha ka meerine
Waxaa iga dardaaran ah
Difaacii midnimadiyo
Nabadoono dooniyo
Duunyadoonu dhaqankiyo
Kaluunkoo dabaniyo
Dalagoo aan beernaa
Dugsi laga helaayoo
Ducfi looga baxayaa

Madaxda madasha Qaranka waxaa maanta saaran mas’uuliyad weyn, taasi oo ah inay dalkan ka badbaadiyaan inuusan ku noqon meelo uu kasoo gudbay, islamarkaana ay gaarsiiyaan doorasho cadaalad ah oo marin usii noqon karta in la naawilo 2020 inay dhici karto doorasho qof iyo codkiisa ah.

NB: Warbixinteyda waa dhaliili kartaa, waana ammaani kartaa, waxaana ka ahay mas’uul qaabka aan u qoray, balse sida aad adiga u fasirato shaqo kuma lihi. Wixii aad ka qabto waxaa igula wadaagi kartaa emailkeyga ah : garyare139@yahoo.com . Mahadsanidiin

Garyare W/Q, Abdiweli Ibrahim Garyare
Agaasimaha iyo milkiilaha Radio VOS
Hilversum, Netherlands,


Nagala soo xiriir
dhacdo@gmail.com ama
dhacdo@hotmail.com